Gadgadoonka nolosha gef ma,ahan.

Gad gaddonka nolosha gef ma,ahan.
“Dadku maankiyo dusha waa kasiman yahay, misne kala damiir roon,dariiqad mareysiyo, lama diidi karo calaf, hadadane dod kala tiri addamihii hurday iyo ileen duqoni calaf maleh,darajada ilahey ruux dadaalo baa helo” (abwaan guure)

Hordhac,

“cashir la qoro iyo cududda la adeegsadaba,casis ken waxuu quu calfin,cawana ma calalisid”(teerso)
Ugu horeyn, in aad ku noolato daganan,xasiloni iyo farxad, oo ad camirtaa Dunidan maal iyo awlaadba, iyo in ay noloshada soo marto malmo farxad iyo reyn reeyn badan, iyo maalmo murugo iyo xasiloni daro badan, muhimada laguu Keenay Dunidaan wataa, ee ku nolow nolol jilicsan,oo dagan,farxadne wadata.

Sidoo kale in ad Dunidan ka taktaa oo, ad dhimataa walibo ad kaga takto maal iyo awlaadba, iyo wajiyo ku jecel,oo ay dadku noqdan, qaar ka murugooda geridada iyo qaar ku farxo dhimashada ad addunka kaga safartay, suurto gal mahan in ad Dunidan oo dagan dadkuna kuu siman yihin in ad ka takto, sababto ah haday tasi jiri lahed waxa ugu horeyn heli laha, Nabi Muxammed صلى الله علىه ؤ سلم

. Markii uu dunida ka faaruqay,intii muslim dhab ahed oo,adheeci jirtay, way ka naxeen wayna ka walwalen in uu katago,kuwii kale ee necbaa markii ay maqlen, Nabbi Muxammad ا صلى الله علىه ؤ سلم

waa la ofsaday way ku farxeen, taasi ayaa tusaale kugu filan,nolosha way fududahay ee haka dhigin wax adag,hana ku dhibtoon wayaha noloshada soomara,marwalibo rabbi ku shukri si ad ugu guuleysato,imtixaanka dunida yalo.

Nolosha bani addamka makala duwana mana kala qiimo badno marka loo eego xaga abuuritan keeda,balse waxa kala qiimo badan shaqsi walibo ruuxda ku jurta iyo sida ay sifadedu tahay, dhibatoyinka caamka ahi cid ay u gaartahay majirto, nolo walibo marbay la daristaa dhibta iyo caqabadaha nolosha, waxad arkaysa mid manta qadayay oo,an waxbo heysan,sanado ama malmo kadib ah shaqsi ebbe wax siyay, sido kale waxad arkaysa mid ladan oo maal iyo awlaad rabbi siyay, sanado kadib ah mid wax laan iyo daruufo adduun ay laso daristo,

Dhibaatooyinka iyo nimcooyinka mahan kuwa shaqsi u gaar ah balse mid walibo waxay wadataa imtixaan, oo rabbi ugu talagalay in qofwalibo lagu tijaabiyo, imtixaan kas, ruuxdii ama insaanki ka guuleysto oo kusabraa uu heli dona, hadiyado qiimo badan, iyo nolol waasac ah,

Ciddii ka guuldareysato, ay lakulmi doonto ba,a/ hoog iyo dhibatoyin calculus, ebbe inagama dhigo kuwaa. Nolosha aduunka waa sida.

In ay noloshaada noqotaa mid farxad iyo reyn reyn leh,oo, ad dareentaa daganan iyo nimcoyin badan, waa dikriga rabbi oo ad ku xirnaato,Sido kale in ay noloshada noqoto mid la kulanta walwal iyo walbahaar,iyo caqabada adag oo noloshada daren siyo xasiloni daro, iyo cabsi joogto ah, waa markii ad ka tagtaa dikriga rabbi, iyo ku shukrinta dhibta, “walal mar walibo ku dadaal dikriga rabbi iyo ku sabirka dhibta”

فمن تبع هداي فلا يضل ولا يشقى )

…….. (ومن أعرض عن ذكري فإن له معيشة ضنكا ونحشره يوم القيامة أعمى…….

Rabbi wax uu yiri

“cid alale ciddii raacdo hanunkeyga,malunto mana cabsato, ciddii ka jeesato wanadeyda/hanunkeyga waxa u sugnaday nolol cariri ah,waxana soo saari donaa malinta qimayaha asigoo indhola ah”

“Dadaal dheeftu dhib yare maleh”

W/Q:omar abdul asis {teerso}

noloshu way fududahay.

  Noloshu_way_fududahay

“Dadku maankiyo dusha waa kasiman yahay, misne kala damiir roon,dariiqad mareysiyo, lama diidi karo calaf, hadadane dod kala tiri addamihii hurday iyo ileen duqoni calaf maleh,darajada ilahey ruux dadaalo baa helo” (abwaan guure)

 

Hordhac,

“cashir la qoro iyo cududda la adeegsadaba,casis ken waxuu quu calfin,cawana ma calalisid”(teerso)
Ugu horeyn,  in aad ku noolato  daganan,xasiloni iyo farxad, oo ad camirtaa Dunidan maal iyo awlaadba, iyo in ay noloshada soo marto malmo farxad iyo reyn reeyn badan, iyo maalmo murugo iyo xasiloni daro badan, muhimada laguu Keenay Dunidaan wataa, ee ku nolow nolol jilicsan,oo dagan,farxadne wadata.

Sidoo kale in ad Dunidan ka taktaa oo, ad dhimataa walibo ad kaga takto maal iyo awlaadba, iyo wajiyo ku jecel,oo ay dadku noqdan, qaar ka murugooda geridada iyo qaar ku farxo dhimashada ad addunka kaga safartay, suurto gal mahan in ad Dunidan oo dagan dadkuna kuu siman yihin in ad ka takto, sababto ah haday tasi jiri lahed waxa ugu horeyn heli laha, Nabi Muxammed صلى الله علىه ؤ سلم

 

. Markii uu dunida ka faaruqay,intii muslim dhab ahed oo,adheeci jirtay, way ka naxeen wayna ka walwalen in uu katago,kuwii kale ee necbaa markii ay maqlen, Nabbi Muxammad ا صلى الله علىه ؤ سلم

 

waa la ofsaday way ku farxeen, taasi ayaa tusaale kugu filan,nolosha way fududahay ee haka dhigin wax adag,hana ku dhibtoon wayaha noloshada soomara,marwalibo rabbi ku shukri si ad ugu guuleysato,imtixaanka dunida yalo.

 

Nolosha bani addamka makala duwana mana kala qiimo badno marka loo eego xaga abuuritan keeda,balse waxa kala qiimo badan shaqsi walibo ruuxda ku jurta iyo sida ay sifadedu tahay, dhibatoyinka caamka ahi cid ay u gaartahay majirto, nolo walibo marbay la daristaa dhibta iyo caqabadaha nolosha, waxad arkaysa mid manta qadayay oo,an waxbo heysan,sanado ama malmo kadib ah shaqsi ebbe wax siyay, sido kale waxad arkaysa mid ladan oo maal iyo awlaad rabbi siyay, sanado kadib ah mid wax laan iyo daruufo adduun ay laso daristo,

Dhibaatooyinka iyo nimcooyinka mahan kuwa shaqsi u gaar ah balse mid walibo waxay wadataa imtixaan, oo rabbi ugu talagalay in qofwalibo lagu tijaabiyo,  imtixaan kas, ruuxdii ama insaanki ka guuleysto oo kusabraa uu heli dona, hadiyado qiimo badan, iyo nolol waasac ah,

Ciddii ka guuldareysato, ay lakulmi doonto ba,a/ hoog iyo dhibatoyin calculus, ebbe inagama dhigo kuwaa. Nolosha aduunka waa sida.

 

 

 

In ay noloshaada noqotaa mid farxad iyo reyn reyn leh,oo, ad dareentaa daganan iyo nimcoyin badan, waa dikriga rabbi oo ad ku xirnaato,Sido kale in ay noloshada noqoto mid la kulanta walwal iyo walbahaar,iyo caqabada adag oo noloshada daren siyo xasiloni daro, iyo cabsi joogto ah, waa markii ad ka tagtaa dikriga rabbi, iyo ku shukrinta dhibta, “walal mar walibo ku dadaal dikriga rabbi iyo ku sabirka dhibta”

 

 فمن تبع هداي فلا يضل ولا يشقى  )

…….. (ومن أعرض عن ذكري فإن له معيشة ضنكا ونحشره يوم القيامة أعمى…….

Rabbi wax uu yiri

“cid alale ciddii raacdo hanunkeyga,malunto mana cabsato,  ciddii ka jeesato wanadeyda/hanunkeyga waxa u sugnaday nolol cariri ah,waxana  soo saari donaa malinta qimayaha asigoo indhola ah”

 

“Dadaal dheeftu dhib yare maleh”

W/Q:omar abdul asis {teerso}

Wa maxay company ga tiens?

image

Tiens(tiyaanis)Company
______________________________________________________________________Maxey tahay Tiens(tiyaaans)?
===========================
Tiyaanis waa shirkad laga leeyahay Shiinaha waxayna ka faa’iidaa ganacsiga ku saleysan
Ribada ama waxa afka carabiga lagu yiraahdo(شركات تسويق الهرمي)
————————————–‘————–”
Shirkadaan waxaa aas aasay
Nin lagu magacaabo Li jinyoun
oo u dhashay wadanka shiinaha
Waxa uuna aas aasay sannadku
markuu ahaa 1995.

1998 waxay bilaawday Iney suuqgeyso daawo dhireed( herbal)
Daawoyinkaas waxey u iib geey jirtay Waddamada aan Sharci kajirin ama kuwa xukunkoodu uu liito si aan loo baarin daawoyinkaaas.
Shirkaddaan waxey kubilaabatay
markeedi hore Eeshiya (qaarada aasiya) bari waxeyna usii gudubtay Africa oo ay sifiican uga faa’iideysatay Maadaama shaqa yari baahsan ay ka jirto.
Masar, suudaan butuswaana, gaana, murutaaniya,
Iyo galbeedka afrika intooda badan
Ayey Si indho la’aana uga buuxsantay , kadibna afrikada bari ayey usoo gudubtay
Suudaan iyo itoobiya ayeyna markii ugu horeysa timiday.
~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~
Hadaba sidey kusoo gaartay
Gayiga Somaaliya?
“::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::
Magaalada jig-jiga ayey markii ugu horeyday soo baadisay
waxeyna adeegsadeen dhalin yaro badan oo somaali ah
Si aana looga shakin , loona ogaanin qiyaanadeeda.
maadaama aanan somaalidu kala xadidneyn
oo had iyo jeer isu gooshaan
Waxaa usuura gashay iney tagaan
Jabuuti iyo waqooyiga somaaliya.
Muddo afaranadan markii ay adeeg sanaayeen dhaliyo somaaliyeed oo ay usheegayaan shaqo abuur ayaa idiin wadnaa
Ayaa la ogaaday iney ku shaqeyso Habka ribada ah ee diinteyna lagu xaaraan timeryay
Kadibna culimada ayaa dadka uga digay in shirkadaas lagu biiro
Lagana ganacsado,
Kadib markii khiyaanadeedii bannaanka usoo baxday
waxay usoo carareeen koofurta somaaliya.
Muqdisho iyo tiyaanis
——‘-‘-”———————————
Bilaawgii sanadkii tagay 2015
waxaa si dhuumaaleysiya kusoo galay shirkada tiyaanis oo adeeg saneysa Dhalin yarada muqdisho
waxayna furteern laba xarumood
oo kukala yaal Bakaaro iyo siinaay.
Habkeey ushaqeysaa shirkadda tiyaanis ee muqdisho kutaal ?
………………………………………………..
$30 dollar ayaa la isku diiwaan galshaa
Kadibna waxaa bixinee lacag dhan $200 dollar oo cadeyn ah
Ama waxaa iibinee daawooyin iyaga usoo tagto in la eg $200
Daawo yinkaasi waa kuwa aan la ogeyn tayadooda waana daawo dhireed.
Kadibma
waxaa shirkadda keenee ilaa Shan qof oo iyaguna maraayo intaa soo martay oo kale ( waa is diiwaan galinayaan).
Kadibna waxaa kuu bilaabmaya
xoogaa yar oo gunna ah, markastoo dad kusoo xirtidna waa kuudii kordhee gunadaadu.

Mar aan booqday xarunta tiyaanis ee muqdisho iyo wixii aan kusoo arkay?
___________________________________
waxa ay dagan yihiin guri kuyaal
afaafka hore ee suuqa bakaaraha
ILLinka hore ee dhismaha waxaa
buux dhaafiyay dhalin yaro tiro badan oo isugu jiro gabdho iyo wiilal.
Waxaan tagay dabaqa koobaad ee dhismaha, mashquul farabadan ayaa kajira , dhalinyaro yar yar aya arkay oo is diiwaan galinaayay markaas.
Waayeel ayaan arkaayay oo daawoyin laga iibinaayo.
Waxaan uga sii gudbay Qeybta 2aad sawaxan ayaa maqlay
waxaan milicsaday qolal ka mida
dhismaha waxaana ka socday
Siminaaro, waxaa cashiro la siinaayay Dad aad ubadan .
waan istaagay waxaana maqlay
Siminaar bixiyaha oo oranaayo:
( Si aad dad ukeentid shirdada
waa inaa saaxiibadaa usheegtid
Inaa uheysid shaqo muhiima.
waxaa kugu waa jiba inaadan usheegin shaqada waxey tahay
Ilaa saaxiibkaa uu Shirjada kuugu yimaado .
markuu kuu yimaado, ugey shaqaalaha utaba baran Soo dhaweynta.)
Nasiib xumo markaas maheysan Aaladaha wax lagu duubo.
Dib ayaa usoo laabtay , Intii aan usii socday qaybta hoose waxaan maqlaayay codkaan oo si wada jira loo qaadaayo ( Hal maalin milyineer noqo .) oo lagu celcelinaayo.
Mashquulka kajiro dhismaha maqiyaasi kartid
Dadka meesha joogo waa ay kala sareeyaan darajo ahaan sidaas ayeyna ukala musjaar badan yihiin.

SHAREECDU MAXAY KAQABTAA
GANACSi GAAN?
——————————————————
Culimada ku dhaqan waqooyiga somaaliya ayaa fatwooyin kasoo saaray shirkaddaan
waxayna ganacsigeeda kutilmaameen ribo
waana xaaraan kaganacsiga shirkadaan.
KANI WAA NUQUL FATWO AY SOO SAAREEN CULIMADA KUNOOL
PUTLAAD.

Shirkadaha Tiyaanis (Tiens) iyo DXN ee ku shaqeeya ganacsiga salka-ballaaran iyo sharikaadka kale ee lamidka ah ee waayahan ka hawlgalayay deegaannada Puntland iyo qeybo kamid ah gayiga Soomaaliyeed waa sharikaad ku shaqeeya nidaamka Ribawiga ah ee diinta Islaamku xaaraamtinimeysay iyadoo ganacsigeedu uu ku jiro Khiyaano, Jahaalo, Kado (Qarar) iyo xoolaha dadka oo lagu qaato si xeeladeysan xaqna aan ahayn, sidaa darteed ma bannaana in laga mid noqdo, loo adeego iyo in laga ganacsado toona waxaana waajib ah in hay’adaha ku shaqada leh ay ka qaadaan tallaabada ku habboon.
Hadaa rabtid fatwada oo dhameystiran
waxaa kaheli kartaa mareegyada somaalida
ama halkaan ayaa kusoo bandhigi doonaa ee karaadso
http://www.mohamedjeyte.blogspot.com

sidoo kale waxaa fatwo kasoo saaray culimada ku dhaqan
somaaliland
Oo iyana ku raacay culimadii hore
xaaraana kutilmaayay
lifaaqa ugu hooseeyo riix si aa udaawato culimada fatwadooda.
Ama
http://www.mohamedjeyte.blogspot.com

Shiradaan ayaa dhaqaalo ka abuureysa muqdisho
madaama aaney dadku kawar heyn
iyo dhalin yarada oo uheysta iney shaqa abuur utahay.
Dhirkaadaan waxay ku casn baxaday
Ribo, khiyaano, iyo
Dadkoo lasiinaayo daawooyin dhacay.
Hadaba dhalin yarada somaaliyeed
waa iney kadig toonaadaan
Shiradaan shiinaha laga leeyahay
iyo dhamaan wax yaabaha
Lid ku ah diinta islaamka.
waxaa soo aruuriyay qormadaam
Maxamed cabdi jeyte

Wa maxay tiens company?

Tiens(tiyaanis)Company
______________________________________________________________________Maxey tahay Tiens(tiyaaans)?
===========================
Tiyaanis waa shirkad laga leeyahay Shiinaha waxayna ka faa’iidaa ganacsiga ku saleysan
Ribada ama waxa afka carabiga lagu yiraahdo(شركات تسويق الهرمي)
————————————–‘————–”
Shirkadaan waxaa aas aasay
Nin lagu magacaabo Li jinyoun
oo u dhashay wadanka shiinaha
Waxa uuna aas aasay sannadku
markuu ahaa 1995.

1998 waxay bilaawday Iney suuqgeyso daawo dhireed( herbal)
Daawoyinkaas waxey u iib geey jirtay Waddamada aan Sharci kajirin ama kuwa xukunkoodu uu liito si aan loo baarin daawoyinkaaas.
Shirkaddaan waxey kubilaabatay
markeedi hore Eeshiya (qaarada aasiya) bari waxeyna usii gudubtay Africa oo ay sifiican uga faa’iideysatay Maadaama shaqa yari baahsan ay ka jirto.
Masar, suudaan butuswaana, gaana, murutaaniya,
Iyo galbeedka afrika intooda badan
Ayey Si indho la’aana uga buuxsantay , kadibna afrikada bari ayey usoo gudubtay
Suudaan iyo itoobiya ayeyna markii ugu horeysa timiday.
~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~
Hadaba sidey kusoo gaartay
Gayiga Somaaliya?
“::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::
Magaalada jig-jiga ayey markii ugu horeyday soo baadisay
waxeyna adeegsadeen dhalin yaro badan oo somaali ah
Si aana looga shakin , loona ogaanin qiyaanadeeda.
maadaama aanan somaalidu kala xadidneyn
oo had iyo jeer isu gooshaan
Waxaa usuura gashay iney tagaan
Jabuuti iyo waqooyiga somaaliya.
Muddo afaranadan markii ay adeeg sanaayeen dhaliyo somaaliyeed oo ay usheegayaan shaqo abuur ayaa idiin wadnaa
Ayaa la ogaaday iney ku shaqeyso Habka ribada ah ee diinteyna lagu xaaraan timeryay
Kadibna culimada ayaa dadka uga digay in shirkadaas lagu biiro
Lagana ganacsado,
Kadib markii khiyaanadeedii bannaanka usoo baxday
waxay usoo carareeen koofurta somaaliya.
Muqdisho iyo tiyaanis
——‘-‘-”———————————
Bilaawgii sanadkii tagay 2015
waxaa si dhuumaaleysiya kusoo galay shirkada tiyaanis oo adeeg saneysa Dhalin yarada muqdisho
waxayna furteern laba xarumood
oo kukala yaal Bakaaro iyo siinaay.
Habkeey ushaqeysaa shirkadda tiyaanis ee muqdisho kutaal ?
………………………………………………..
$30 dollar ayaa la isku diiwaan galshaa
Kadibna waxaa bixinee lacag dhan $200 dollar oo cadeyn ah
Ama waxaa iibinee daawooyin iyaga usoo tagto in la eg $200
Daawo yinkaasi waa kuwa aan la ogeyn tayadooda waana daawo dhireed.
Kadibma
waxaa shirkadda keenee ilaa Shan qof oo iyaguna maraayo intaa soo martay oo kale ( waa is diiwaan galinayaan).
Kadibna waxaa kuu bilaabmaya
xoogaa yar oo gunna ah, markastoo dad kusoo xirtidna waa kuudii kordhee gunadaadu.

Mar aan booqday xarunta tiyaanis ee muqdisho iyo wixii aan kusoo arkay?
___________________________________
waxa ay dagan yihiin guri kuyaal
afaafka hore ee suuqa bakaaraha
ILLinka hore ee dhismaha waxaa
buux dhaafiyay dhalin yaro tiro badan oo isugu jiro gabdho iyo wiilal.
Waxaan tagay dabaqa koobaad ee dhismaha, mashquul farabadan ayaa kajira , dhalinyaro yar yar aya arkay oo is diiwaan galinaayay markaas.
Waayeel ayaan arkaayay oo daawoyin laga iibinaayo.
Waxaan uga sii gudbay Qeybta 2aad sawaxan ayaa maqlay
waxaan milicsaday qolal ka mida
dhismaha waxaana ka socday
Siminaaro, waxaa cashiro la siinaayay Dad aad ubadan .
waan istaagay waxaana maqlay
Siminaar bixiyaha oo oranaayo:
( Si aad dad ukeentid shirdada
waa inaa saaxiibadaa usheegtid
Inaa uheysid shaqo muhiima.
waxaa kugu waa jiba inaadan usheegin shaqada waxey tahay
Ilaa saaxiibkaa uu Shirjada kuugu yimaado .
markuu kuu yimaado, ugey shaqaalaha utaba baran Soo dhaweynta.)
Nasiib xumo markaas maheysan Aaladaha wax lagu duubo.
Dib ayaa usoo laabtay , Intii aan usii socday qaybta hoose waxaan maqlaayay codkaan oo si wada jira loo qaadaayo ( Hal maalin milyineer noqo .) oo lagu celcelinaayo.
Mashquulka kajiro dhismaha maqiyaasi kartid
Dadka meesha joogo waa ay kala sareeyaan darajo ahaan sidaas ayeyna ukala musjaar badan yihiin.

SHAREECDU MAXAY KAQABTAA
GANACSi GAAN?
——————————————————
Culimada ku dhaqan waqooyiga somaaliya ayaa fatwooyin kasoo saaray shirkaddaan
waxayna ganacsigeeda kutilmaameen ribo
waana xaaraan kaganacsiga shirkadaan.
KANI WAA NUQUL FATWO AY SOO SAAREEN CULIMADA KUNOOL
PUTLAAD.

Shirkadaha Tiyaanis (Tiens) iyo DXN ee ku shaqeeya ganacsiga salka-ballaaran iyo sharikaadka kale ee lamidka ah ee waayahan ka hawlgalayay deegaannada Puntland iyo qeybo kamid ah gayiga Soomaaliyeed waa sharikaad ku shaqeeya nidaamka Ribawiga ah ee diinta Islaamku xaaraamtinimeysay iyadoo ganacsigeedu uu ku jiro Khiyaano, Jahaalo, Kado (Qarar) iyo xoolaha dadka oo lagu qaato si xeeladeysan xaqna aan ahayn, sidaa darteed ma bannaana in laga mid noqdo, loo adeego iyo in laga ganacsado toona waxaana waajib ah in hay’adaha ku shaqada leh ay ka qaadaan tallaabada ku habboon.
Hadaa rabtid fatwada oo dhameystiran
waxaa kaheli kartaa mareegyada somaalida
ama halkaan ayaa kusoo bandhigi doonaa ee karaadso
http://www.mohamedjeyte.blogspot.com

sidoo kale waxaa fatwo kasoo saaray culimada ku dhaqan
somaaliland
Oo iyana ku raacay culimadii hore
xaaraana kutilmaayay
lifaaqa ugu hooseeyo riix si aa udaawato culimada fatwadooda.
Ama
http://www.mohamedjeyte.blogspot.com

Shiradaan ayaa dhaqaalo ka abuureysa muqdisho
madaama aaney dadku kawar heyn
iyo dhalin yarada oo uheysta iney shaqa abuur utahay.
Dhirkaadaan waxay ku casn baxaday
Ribo, khiyaano, iyo
Dadkoo lasiinaayo daawooyin dhacay.
Hadaba dhalin yarada somaaliyeed
waa iney kadig toonaadaan
Shiradaan shiinaha laga leeyahay
iyo dhamaan wax yaabaha
Lid ku ah diinta islaamka.
waxaa soo aruuriyay qormadaam
Maxamed cabdi jeyteimage

Ma Jeceshahay Naftaada iyo Ehelkaaga?

Ma Jeceshahay Naftaada iyo Ehelkaaga?

Haweenay ayaa weydiisay Sheekh Caalim ah: “Maxaan ku sameeyaa caruurteyda si aan Salaad Subax ugu kiciyo way ku adag tahay inay toosaan hurdadooda oo aad u culus darteed?
Sheekhi ayaa yiri: “Maxaad sameyn lahayd haddii guriga dab qabsado iyagoo hurda?”
Haweenaydi: “Waan kicin lahaa”
Sheekhi: “Laakiin haddii hurdadoodu culus tahay?”
Haweenaydi: “Walaahi waan toosin lahaa ama gacanta intaan qabto ayaan jiidi lahaa si aan u badbaadiyo!”
Sheekhi ayaa ka dib yiri, “Haddii tani ay tahay waxa aad sameyn lahayd si aad uga badbaadiso dabka dunida, ku dedaal oo samee sidi aad uga badbaadin lahayd naarta Aakhiro…!”

Alle SWT wuxuu Quraanka kariimka ku yiri, Kuwa xaqa rumeeyow ka dhawra Naftiina iyo ehelkiinna naar lagu shido dad iyo dhagax ay kana (shaqeeyaan) malaa’ig adag oo daran oon Eebe ku caasiyeyn wuxuu faro, falana wixii la amro

Alle SWT hanagu daro kuwa naarta laga xoreeyay. Allaha na wada hanuuniyo dhamaan.

Share – faafi wllIMG_0600

By: faarah cawaash

Somalia waxay mudan tahay inay katusala qadato Rwanda!!!!!!!

Asc asxabta  Reer Ruwanda 90 Maalmood ayey ku Dhawaad Hal Milyan oo Qof Iska Dileen Hadana Waa Is Cafiyeen.Hadaba Maxey Soomaaliya ka Baran Kartaa Casharkaas Is Cafinta ah ( Fadlan Walaal Akhri Qormo Arintaas ka Hadleysa )

============================================================

Dowlado badan oo caalamka ah ayaa dhibka ay somaliya ku jirto mid la mid ah amba ka daran soo maray badankoodna waa ka gudbeen waxaanan tusaale ahaan u soo qaadan karnaa dalka Ruwanda oo dagaaladdii qabaliga ahaa ee dhex marey labada qabiil ee Tutsi ga iyo Hutu’ga ee dalkaas kuwada nool ay isaga dileen ku dhawaad sagaal boqol oo kun (900.000) oo qof mudo 90 maalmood ah misana sidaas oo ay tahay dadkii Tutsi’ga ahaa ee la laayay iyo kuwii wax laayay way ka baxeen dagaaladii oo way is cafiyeen waxaana arintaas horseed ka noqdey hogaamiyeyaasha siyaasada,waxa garadka iyo kuwa dhaqanka ee dalkaas Ruwanada.
Anigu waxaan meel la daganaan jiray 2 nin oo Hutu ah iyo nin Tutsi ah oo waxaan isladhigan jirnay Jaamacad. Marka aad eegto dhaqanka dadkaa shaki ayaa kaa galayo in uu waligood xasuuq dhexmaray haddane kan Tutsiga ah walaalkii iyo aabahii ayaa lagu dilay Xasuuqii Ruwanda. 
Waxaa dhacdey intii aanu ragaas wada deganeyn ayaan mar u yeeray mid ka mid ahaa 2 Hutu-ga waxana ka codsaday inuu ii macneeyo waxa uu yahay Tutsi iyo Hutu. Dabadeed inta uu ii soodhawaaday ayuu hoos iila hadlay asigoo iska eegayo ama iska ilaalinayo inay maqlaan kuwa kale, markaa ayuu igu yiri waxa la mamnuucay in arimaha aad sheegayso xitaa la soo hadalqaado waxuuna ii sii raaciyay kaasi waa Tutsi aniga iyo wiilka kalena waxaan nahay Hutu balse waxan kaa codsanayaa inaad mar danbe aanan midkeen arinkaa weydiin.
Bishii March sanadkii 2007 ayey aheyd markii aan tegay magaaladda Caasimadda ah ee Kigali waxaana garoonka dayuurdaha waxyaabaha aan ku arkey ee sida weyna ii soo jiitey ka mid ahaa Boor ay ku qorantahay fadlan ha weydiin qofna qabiil hana ka hadlin marka aad dalkan Ruwanda joogto waxaana horay la ii siiyay Buug ay ku qoran tahay inaan arimahaas laga sheekeyn Karin waa dagaalada qabiilkee.
Waxyaabaha kale ee aan la kulmey waxaa ka mid ahaa gabar Tutsi ah oo walaalaheed iyo aabaheed lagu dilay xasuuqii dhacey waxaana gabadhaa ay taqiinay dadkii dilay walaalaheed kuwaas oo ay diris ahaayeen. Markii loo soo qabtay oo cadaalada la hor keeney dadkii xasuuqaa ka danbeeyay way cafisay oo waxay ka door bidday sida ay ii sheegtay nabadda iyo is cafiska waddanka Ruwanda laga sameeyay waxaana haatan dalka Ruwanda uu ka mid yahay wadamada ugu horeeya khaarada afrika dhinacyo badana horumar ayey ka sameeyeen umadda reer Ruwanda iyagoo nasiib u heley Hogaamiyaha qiimaha badan ee dadkiisa iyo dalkiisa jecel madaxweyne Paul Kagame.
Dhamaan tusaalayaashan waxaan u soo qaatay hadii aanu soomaali nahay inaan wax ka baran karno in dagaalada iyo is naceybka qabiilka layska hilmaami karo wax wada qabsina loo soo jeesan karo, iyadoo la abuurayo dhalinyaro saliim ah oo soomaalinimada ay ku weyn tahay wax walibana waddaniyadooda ka hormariya. 
Fadlan walaal adigoo mahadsan Share dheh oo la wadaag walaalaha kale si ay u aqiriyaan qormadan
Qalinkii: Cabdifatax Xuseen Sabriye. 

    
   

Wa maxay aqrin? Wax aqris ka Hordhac Allaah ayaa mahad oo idil iska leh, nabadgalyo iyo naxariisina Nabigeena Muxammad ah korkiisa Allaha yeelo. Qoraalkaan oo taxane inoo ahaa kuna saabsanaa “Habka ugu sahlan ee is-hormarinta qofeed” midkeenan manta ayaan kaga hadli doonaa qeybtiisii 4aad Kaalinta Aqriska ee is-hormarinta qofeed. Kaalinta Aqriska ee is-hormarinta Marka aynu eegno xaaladda aynu ku suganahay hadda ee ah dib dhac, colaad, jahli, iyo anagoo kaga jirna caalamka meesha ugu hooseysa dhanka ilbaxnimada iyo hormarkaba, sida ayna tusinayso tirakoob kala duwan ee caalmka laga sameeyey mar karsatana aynu kaga jirno kuwa ugu hooseya wadamada caalamka. Mowduucaan manta oo dawo u ah ama rajagalin usameynaya kuwa jecel in ay wax kororsadaan, bartaan, in badana ka ogaadaan khibradaha dadka kale ee qoraaga ah. Hadaba qormadeenaan waxaan ooga hadli doonaa waa maxay aqris? Faa’iidooyinkiisa, Umadaha iyo aqriska, Muhiimada Aqrintu ku leedahay Islaamka, Nuucyada aqriyeyaasha, Caqabdaha aqrinta, Sidee ugu abuurnaa nafteena jeclaanshaha aqriska, Asaaska hno Aqriska, Habka Aqriska. Waa maxay Aqris Aqris waxaa lagu qeexaa waa howl garaadka/maskaxda qofka ay qabato oo ay u fasirto erayada ama calaalmadaha ee aqriyuhu indhihiisa ku arkayo, asagoo isku xiraya khibradiisa iyo waxa uu arkayo kadibna u abuurta macno. Faa’iidooyinka Aqriska Waxaa jira in aqrisku uu kaciyaaro kaalin muhiima is-hormarinta. waxaan halkaan ku qodobeyndoonaa faa’iidooyinka laga helo aqriska waxaana ka mida kuwa hoose: ü Aqrisku wuxuu ka qeybqaataa baabi’inta ama ka takhalusidda jahliga ü Kala ogaansha waxa ay diintu kuu baneysay iyo waxa kale. ü Kordhisaa caqliga iyo garaadka ü Waxaa laga faa’iideystaa khibradaha qoraaga ü Kugu kaalmeysaa Kala ogaanshaha waxa fiican iyo waxa liita ü Qofka wax aqriya waxaa adag in laga guuleysto maxaa yeelay macluumaad badan ayuu ogyahay. ü Aqrisku wuxuu kugu saacidi in ay luqadaada kororto ü Umad aanan garaneyn xiligeedii hore, ma fahanto xiliga ay ku jirto iyo mustaqbalkeedaba. ü Mar kasta uu aqriskaaga kordhaba waxaad u dhawaan bu’da cilmiga waxadna ka fogaaneysaa bu’da jahliga. Mid kamida culumada islaamka wuxuu yiri “ waxa aan ka bartay aqrinteyda xorta ah kama baran midda aan ku qasbanaa iskuulka ee aheyd aqrinta buugtii aan baraneyey”. ü Iimaankaaga oo saa’ida marka aad aqrisid kitaabka quraanka. Maanta iyo Umaddaha wax aqriya Marka aad eegto xaaladda ay marayaan dadka muslimka ah, dhanka cilmiga iyo markii hore sida ay ahaayeen, ama loo bar bardhigo qolooyinka reer galbeedka waxaad garowsaneysaa in uu jiro farqi xoogan. Warbixinta UNISCO 2003 ay ka soo saartay aqriska wadamada carbeed ayey waxay ku sheegtay sida tan “Qofka carabeed wuxuu aqriyaan 6daqiiqo sanadkii celcelis ahaan, sidoo kale wadamada carabta 350kun ee qofba waxay soo saaraan hal kitaab ama buug. Halka yurub kaliya 15 kun-ba ee qofba ay soo saarto bug sanadkii celcelis ahaan. Waxaa intaa dheer tusaale ahaan inta warqad ay isticmaalaan oo ay wax ku daabacaan wadamada carabta oo dhan waxaa ka badan oo kaliya madbacada faransa ee la yiraahdo Madbacada Faransa ee daabacaadda. In kastoo aanan la hubin xaqiiqda waxa lagu warbixintaan, laakiin waxaa muuqata in jirto dib dhac dhankaas ah. Kontonka qofood ee nolosha ku guulaystay ee dalka maraykanka u dhashay waxaa lagu sheegaa in qof kasta oo kamida uu aqriyo 50 buug sanadkii, una dhiganta 1 buug usbuucii taas ayaana lagu sheegay nuxurka guushooda. Muhiimada Aqrintu ku leedahay Islaamka Diinta islaamka waxay aad u dhiira galisay wax aqriska, waxaana cadeyn u ah ayaddo quraan, axaadiith, iyo ku camalfalkii dadkii hore iyo kuwii danbe ee wanaagsanaa raadadka ay ka tageen. Eraygii ugu horeeyey ee lasoo dajo oo waxyi ah wuxuu ahaa Aqri (IQRA), taas oo si cad noo tusineysa inuu islaamku yahay diin dhiira galisa aqriska. In yar hadeynu milicsano Eraygii ugu horeeyey ee Quraankah Karimka ahaa ee lagu soo dajiyey rasuulka (CSW) wuxuu ahaa AQRI oo waliba ficil amar ah, rasuulkana(CSW) lagu ciqaabay inuu aqriyo asagoon aqris garaneynin. Uuna (CSW) ku celcelinayey anigu ma ihi qof wax aqriya ilaa sadex jeer uu Jabriil (CS) uu ceego/ceejo ku qabtay Rasuulka (CS). Taasi waxay na tusineysaa Islaamka muhiimada uu siiyey aqriska, iyo inuu aqrisku yahay furaha cilmiga. Sidoo kale waxaan wada ogsoonahay sida ku cad siirada rasuulkeena (CSW) inuu aad u dhiira galin jiray aqriska waxaana daliil kuugu filan markii uu rasuulka iyo asaxaabtiisa ku guulaysteen dagaalkii Bader, ayna gacanta ku dhigeen in badan oo gaaladii ah, kadibna rasuulkeen(CSW) uu go’aansaday in raga qaarkood in ay isku madax furtaan in ay baraan 10 caruurta muslimiinta ka mida Aqrinta iyo qoridda. Marka aad eegtid Culumadeenii hore ayagaa kugu filan tusaale cad dhanka muhiimada ay aqrintu leedahay iyo isbedaladii ka dhashay aqriskoda, Xiligii Haaruun Rashiid ee khilaafdii cabaasiyiinta waxaa lagu tilmaamaa Xiligii dahabiga (The Golden era) sababtuna aytahay in ay muslimiinta gaareen ugu sareynta Ilbaxnimada, Cilmiga, Aqoonta, ilaa caasimadii Bagdaad ee dowladii cabaasiyinta ay noqoto isha ilbaxnimada, hoyga culimada, iyo xarunta cilmiga ee ardayda aduunka usoo safri jirtay. Bagdaad xiligaas waxay aheed meel ay ku noolyihiin 2 malyan oo dad ah, halka Farance ay ka aheed tuulo, Washiton iyo newyork ay ka ahaayeen meel Duur ah. Bagdaad waxaa ku yaalay 20 kun oo masjid, mowlac (guri ay culumadu duruusta ku bixiyaan), iyo dhismayaal kala duwan oo culumada, kuwa gabya, suugaanyahayka, kuwa falsafada, iyo kuwa seyniska, taariikhda, joqoraafiga, iyo kuwa kale oo aad u fara badan oo ku howlanaa barida cilmiyada kala duwan ardayda. Sidoo kale hadaan in yar milicsano culumadii islaamka ee hore sida ay ku ahaayeen aqriska waad la yaabi/amakaaki, tusaaale ahaan: a) Ibnu Jowzi (Alle ha u Naxariistee) wuxuu aqriyey inta uu yaraa 20kun oo kitaab inta uusan caalim noqon, b) Markii la gubay Maktabadii Ibna Xazam wuxuu yiri hadii aad gubteen kutubteydii ogaada waan xifdisanahaye. c) sidoo kale Imam Nawi (Alle ha u Naxariistee) sadex sano ayuu fadhiyey asagoo aqris un ku jira. d) Sidoo akle Imam Bukhari (Alle ha u Naxariistee) wuxuu ahaa mid habeenkii soo kaca toban jeer ka badan wuxuuna shidan jiray faynuusta/musbaaxa si uu u qoro faa’iido kusoo dhacday, kadibna wuu damin jiray feynuusta, hadana wuu soo kici jiray shidan jiray feynuusta qori jiray wixii kusoo dhacay kadibna damin jiray feynuusta, marar badan. e) Sidoo kale Ibnu Qayim (Alle ha u Naxariistee) ayaa wuxu ku sheegayaa kitaabkiisa Rowdatu Almuxibiin “waxaan aqaanaa ayuu yiri qof qaba Suuxdin (waa cudur uu qofka dhuminayo miirka) marka uu soo miiraabo aqriskiisa siiwata, markuu miir daboolmo kitaabka ayaa ka dhaca, ilaa uu oga yimaado dhakhtarka uu ku yiraahdo waxa xanuunka kugu sii kordhinaya waa aqriskee iska jooji. f) Arintaa mid lamida waxay ay qabsatay Sheekh ibnu taymiyah (Alle ha u Naxariistee) asagoo aad u xanuunsan ayuu aqris ku guda jiray waxaa u yimid dhakhtar wuxuu yiri Sheekh iska yaree aqriska, beryaahaan iska jooji. wuxuu Sheekh Ibnu taymiyah ku jawaabay ayada(aqriska) aan caafimaad ku helayaa- mark aan aqrinayo kutubta ayaan dareemaa caafimaad. g) Qaar kamida culumada islaamka ayagoo ku maman/jecel aqriska ayey u timid tii Alle (Geeridii), waxaana cadeyn kuugu filan Abu Xaatim(Alle ha u Naxariistee) wuxuu ahaa nin aqriya xiliga uu wax cunayo, marka uu musqul aadana dhaha caruurtiisa iisii aqriya, maalinkii aduunka uu ka tagayey asagoo aqrintii gabay oo sakaraadku saaranyahay ayuu amrayey ardeydiisa in ay u aqriyaan asagana uu dhageysto waxa ay aqrinayaa si uu ufaa’iideysto ilaa ay nafta ka baxdo, naxariistii alle hasiiyee. h) Sidoo kale Imam Abuu xaniifa(Alle ha u Naxariistee) asagoo oo ay heyso Sakaraadka geerida ayuu ardayda kala doodayey/niqaashayey su’aalo Hajka axkaamtiisa ah ilaa ruuxdii sida ay oga baxdo. i) Waxa kaloo laga sheegay Caqaad (Alle ha u Naxariistee) inuu aqriyey 60kun oo kitaab. Intaas oo dhan iyo kuwo farabadan oo cadeyn kuugu filan, waxay ku tusinaysaa sida ay culumadii hore ay aqriska ku ahaayeen. Hadaba Umadda islaamka oo lagu magacaabo Umadii Aqriska ayaa inteeda badan aanan waxba aqriyin, waana ayaan daro ku habsatay umadeena. Isla markaana og wax aqrisku inuu yahay hab ka mida hababka u kordhiya qofka aqoontiisa, dhaqankiisa, iyo hormar dhan walbaa. Hadaba muhiimada ay siisay islaamka aqrintu laguma soo koobi karo maqaal kaliya ee wuxuu qoraagu jecleystay inuu in yar ka tilmaamo. Nuucyada aqriyeyaasha Nuuyada kuwa wax aqriya sida aan ka xiganeyno Sh. Maxamed bin Salih Almunjid waa sadex nuuc oo kala ah: a) Aqriye indhaha un wax ka aqriya: waa marka aqriyihu uusan dhaqdhaajin xubnaha afka sida carabka iyo faruuryahaba. b) Mid aqrintiisa ay la socoto nuuxnuuxinta afka: waa marka uu aqriyihu uu aqriskiisa u adeegsanayo dhaqdhaqaajinta xubnaha afka. c) Iyo mid ku aqriya la dhawaaqid waxa uu aqrinayo: waa marka aqriyuhu uu la dhawaaqayo lana maqlayo waxa wuu aqrinayo. Sadexdaa nuuc ee aqriyeyaasha waxaa ugu fiican aqriyaha kowaad maxaa yeelay qaabkaas wuu ka dhaqsiyo badanyahay labada kale, sidoo kale indhaha unbaa shaqeynaya iyo maskaxda, halka labadakale xubno kale oo jirka ka tirsan la shaqeynayaa. Caqabadaha aqriyuhu la kulmo Caajis iyo dulqaad la’aan Hilmaan badan Fahamka qofka oo liita Carab-culeys am Aqriska qofka oo aad u hooseeya (oo aanan boobsiinkarin/dedejinkarin) Ogaansho la’aanta muhiimada ay leedahay aqrintu Marmarsiyo ku aadan cilmigiiba waxaan ku heli karnaa si sahlan anagoo adeegsaneyna technolojiyada casriga ah.. sababtee wax u aqriyaa anigooba ku heli kara wax kasta oo aan u baahanahay si sahlan dhaqso ah, kana heli kara internetka, ama keydadaka cilmiga sida (database, warehouse), amaba u diri kara Google. Buugga/kitaabka ama mowduuca oo aad u dheer. Ka bilaabidda buugta waaweyn asagoonan qofku garaneyn kuwii asaasiga u ahaa kutubtaas. Ku mashquulid wargeys, joornaalo ama qoraalo kale oo aan nuxur laheyn. 10. Saaxibadda qofka oo aanan aheyn kuwo wax aqriya, ama ku dhiira galiya aqriska dadka kale. 11. Luqadda uu ku aqrinayo qofku oo uu ku liito. Sidee ugu abuurnaa nafteena in aan jeclaano aqriska? Waxyaabaha kugu saacidi kara in aad noqotid aqriyaa (Qofka wax aqriya) waxaa ka mida: In aad dareensantahay muhiimada ay leedahay aqrintu Dadku waxay cadow ku yihiin waxa ay jaahil ka yihiin, aqrisku waxuu kobciyaa afkaarta aqriyaha, dhaqankiisa, noloshiiisa, lanoolashada bulshada, wuxuu kaloo ka dheefaa khibrada qoraaga kitaabka. Baabi’inta aqris neceebka Wuxuu qofku ku baabi’in karaa neceebka aqriska sida soo socda; inuu siiyo aqrinta waqti ku haboon, si habeysana uu wax u aqriyo, kutubta yar-yarna uu ka bilaabo gaar ahaan kuwa 50 -150 baal ah kadibna uu u gudbudbo kuwa waaweyn. Kana dhigto Saaxiib kitaab/buug mar kasta oo uu firaaqo leeyahay ama uu sugayo dad ama howl, amaba uu safar ku jiro. Ka dhig aqriskaaga mid aad ujeedo ka leedahay Waxa aad aqrineysid waa in aad hadaf ka leedahay, sidaa darteed waxaa la yiraa marka aad rabtid in aad gaarto ama xaqiijiso hadaf ka mida hadafyada noloshaada waxaad u baahantahay in aad aqriso kutubta kugu saacideysa in aad gaarto hadafkaagii. Tusaale ahaan waxaad rabtaa in aad ilmahaaga tarbiyeyso tarbiyo fiican, si ay arinkaas kuugu suura gasho waa in aad aqrisaa kutubta tarbiyada iyo abaabinta ubadka. Ama waxaad rabtaa in aad hormarisid howshaada, ganacsigaaga, si ay u suura gasho arintaas sidoo kale waxaad u baahantahay in aad aqriso buugta ganacsiga, maamulka, dhaqaalaha iyo wxii la mida. Hadii ay kugu jirto in aad is-hormarisid waxaad aqrin kutubta laga qoray xeendaabkaas. Hadaba ujeedo u aqri buuga aad aqrineysid. Xulo kutubta kugu haboon Booqo maktabadaha , meelaha lagu iibiyo, meelaha lagu soo bandhigo buugta/kutubta. Wey dii dadka aqoonta u leh buuga iyo qoraaga kaa haqabtiraya baahida aad u aqrineysid buugga. Isla markaana luqadda uu ku qoran yahay aad fahmi karto, waa in aad iska ogaadaa qoraaga fikirka uu xanbaarsanyahay hadii aad tahay qof heysta cilmi kufilan kala ogaanshaha afkaarta qaldan iyo mida saxda ah, hadii kale kala tahso cidda aqoonta u leh. Habey maktabadaada Ka samey gurigaaga maktabad yar Una habey kutubtaada si indhahaaga soo jiidaneyso kuuna sahlan in aad hesho ama soo qabsato buuga aad daneyneysid, si uusan waqti kaaga dhumin. Sidoo kale qor ama diiwangali kutubta maktabadaada. Xaadir kulamada culumada iyo aqoonyahanka Waa in aad tagtaa fadhiyada/xalaqooyinka cilmiga ah, la saaxiibtaa culumada iyo aqoonyahayka, la fariisataa kana faa’iideysataa ayaga si ay kuugu dhiira galiyaan in aad noqotid nin aqriyaa ah. Waa in aad wax u aqrisaa qaabo kala duwan, aqrisaa buug kala duwa kala takhasus ah waxay carbtu ku gabaydaa “ quluubtu wey daashaa sida uu jirka u daalo, sidaa dated u raadi xikam iyo wax dhiira galiya” Waa in aad ka fogaataa waqti ku dhuminta fadhi kudirirka, sheekooyinka maalaayacniga ah ee lagu soojeedo/saharaleylo meelo badan oo kamida maqaayadaha. Waxaa sidoo kale jirta xikmad dhaheysa “qofkii wax ku barbaara wuu ku cireystaa/daqoobaa”. Maxaa Asaas u ah Aqrinta Waa in aad ogtahay kuna qanacsantahay muhiimada aqrintu kuu leedahay, maxaa yeelay marka aad buug u aqrineysid in aad faa’iido ka heshid waxay kordhineysaa hamigaaga iyo aqoonta aad damacsantahay. Waa in aad wax u aqrisaa Alle dartiisa, niyadaadana aad u sheegtaa in aad wax u aqrinaysid Alle dertiis. Waxaad aqridaa noocyo kala duwan ee buug ah. Sida asaasiyaadka culuumta kala duwan. Kadibna xooji takhasuska aad rabtid in u weecatid/leexatid mustaqbalka. Wax u aqri si kala horeysa, isla socota ama isdaba joogta adigoo aqriskaaga ka bilaabeysid kutubta fudud kadibna kuwa dhexdhexaadka ah, ugu danbeyna kuwa waaweyn. Iska jira in aad barashada ama aqriska ku bilowdid kutubta waaweyn taas waa arin maantadaan mushkilo ku heysa in badan oo rabay in ay waxbartaan laakiin aan si sax ah wax u baran. Hadii aad rabtid in aad aqriso kitaab ogow mowduuciisa kadibna aqri Tusmadiisa aadna isaga aqri mawaadiicda uu ka hadlayo, sidoo kale aqri hordhiciisa si aad in badan wax ooga ogaato hadafka loo qoray buuga iyo sida loo habeeyeyba. La soco, aqri kutubta asalka ah (Asuusha), iyo kuwa la soo kookoobay (Mukhtasiraad) ee kutubta cilmiga. Wiliba waxay asaasi u yihiin qofka ku cusub takhasuskaas. Arintaas waxay kuu suura galineysaa in aad inbadan asaas ama salfiican u yeelatid aqrinta kuwa waaweyn ama shuraaxda. Ha goo goynin aqriska ee si isdaba jog ah u aqri maxaa yeelay waxay kugu dhalin in aad ka caajisto ama xirfadii aqriska ay hoos u dhacdo. Tusaale ahaan hadii qofka uusan aqrin muddo dheer maskaxdiisu wey istaagi oo waxay la mid noqon Gacan lakabay oo la yiri ha dhaqdhaqaajinin gacanta mudo. Mudo hadey gacantu xirnaato, marki laga furo kabka, gacanta waxay u baahantahay in la jimciyo oo maalin kasta la baro dhaqdhaqaaq. Sidaas oo kale ayey maskaxdu noqotaa haduu qofka aqriska gooyo muddo dheer. Waxa ku dhici qofka markas inuu bilaabo inuu ku tababaro maskaxdii aqrinta. Sidoo haduu mudo gaaban googooyo aqriska waxaa ka halaabi aqriyaha fahanka kitaabka uu aqrinayey. Marka aad gadaneysid kitaab iska hubi isla markaana bogbog u gadgadi, sida aad isga hubisid in ay jirto bogag banaan, ama tirtiran, ama warqado kamida ay ka maqanyihiin. Mowduuca aad rabtid in aad wax ka ogaatid, ka aqri kutubta kulminaysa mowduucaas ama si tafa-tiran ooga hadlaysa. Hadaadan helin ka aqri maraajic kala dowan si aad u koobtid mowduuca. Marka aad aqrisid kitaabka ka qoro meelaha muhiimka kuu ah, kadibna kala dood/niqaash ama u gudbi arday ama dad kale si ay faa’iidada aad heshay maskaxda u qabato. Hana ilaawin/iloobin in aad fulisid kuna camalfashid waxa aad ka faa’iidey kitaabka. Ha u malayn kitaab kasta ama buug kasta in uu saxyahay ama uusan khalad laheyn marka laga reebo Kitaabka Alle iyo Xadiiska rasuulka (SCW). Waxaa suura gal ah in ay ku jirto kutubta qaarkood khalaad dhanka caqiidada ah, luqadda ah, fikirka ah iyo wixii lamida.. hadaba kala tasho cidda cilmiga u leh. U aqri kitaabka in aad bilow ilaa dhamaad koobtid, dooro kitaabka ku soo jiidanaya iskana yarey kutubta kugu abuuraysa in aad ka caajistid aqriska. Sidoo kale u xulo kutubta qaarkood in aad ka aqrisid mowduucyo kamida Tusmadiisa. Naftaada ha barin in aad bilowdid kitaab aadna meel dhexe ooga tagtid kadibna mid kale aad bilowdid aadana dhameyn adigoona hadaf ka laheyn arinkaas.waxay kugu keeni in aadan wada fahmin macluumaadka uu xanbaarsan yahay kitaabka. Hadii ay kugu badaan kutubta u kala hormari sida ay kuugu kala muhiimsan yihiin. Ha moogaan in aad xiriir layeelatid Maktabadaha kala duwan ee dalka aad joogto, isla markaana aad ka warqabtid, aadna meelaha lagusoo ban dhigo kutubta cusub. Habka wax loo Aqriyo Ayada oo ay jirto habab kala duwan inuu aqriyuhu adeegsado laakiin qoraago wuxuu doorbiday inuu si koban usoo gudbiyo habka hoose: 1 Waa in aad u doorataa aqriskaaga meel munaasab ah oo xasilan/degan, iftiin fiican leh, hawo leh, sharqantu ay yartahay, si sax ahna u fariiso, kana fagow talafishinka iyo TV-yada, iyo caruurta meesha ay ku ciyaarayaan. Si kastaba ha ahaatee ku dadaal meeshu in ay tahay mid aanan kaa qaseyn aqriskaaga, aadanna dareemeyn kaa qasaya am jaraya aqrinta. 2 In uu aqriskaaga uu noqdo mid aad ku aqrineysid si aamusan oo aadan dhaqdhaqaajineyn xubnaha afkaaga. Maxaa yeelay markastoo arintaas aad sameysid waxaa dhacda in uu dhinmo ama yaraado xawaaraha ama degdega aqriskaaga. Marka aad wax aqrineysid hadhaqdhaqaajin madaxaaga ee adeegso oo kaliya dhaqdhaqaaqa Indhahaaga adigoo la raacaya hadba sadarka aad maraysid. Sidoo kale farta ama qalin hala raacin sadarada aad aqrinaysid. 3 Waa in aad taqaano xiliyada aad wax aqrin kartid tusaale ahaan in aad tahay qof nafsad ahaan degan, waqtiguna uu yahay mid kugu kaalmeynaya in aad ka faa’iideysado aqriskaaga, Sida xiliyada subixii, xiliyadda aad hurdo ka kacday ee maskaxdu diyaar utahay in ay wax qabato. 4 Ka dhig qaab aqriskaaga mid u dhigma wax aad aqrineysid, tusale ahaan hadii aad aqrineysid Buug culus ama adag u aqri si degan si aad ufahantid waqti dheerna sii. Hadii aad aqrineysid maado iska fudud u aqri si degdeg ah kadibna xifdi meelaha muhiimka ah. 5 Inta aadan ku bilaabin aqriska buugga, ugu horeyn aqri Ciwaanka, cidda qortay, hordhaca iyo tusmada, IWM. Kadib ka fikir inta aadan bilaabin buug aqrintiisa in aad is xasuusisid macluumaadkaagii hore ee la xariira mowduucaan si aad u kala ogaadid inta aad kaga baahantahay buugaan iyo inta kale. 6 Raac habka uu uhabeysan yahay buuga ama mid kuu gooni ah dajiso si aad u soo koobtid inta aad ka damacsanatahay ama aad dooneysid in aad ka barato buugga ama ka aqrido. 7 Diyaarso waxa aad ku qaadan laheyd nuxurka buuga ama faa’iidada sida Buug, Qalimaan kala duwan, Warqaddo midabo kale duwan ah. 8 Qof kasta qaab u gooni ah ayuu wax oogala baxaa buuga una qortaa, sabatuna waxay tahay dadka waxaa loo qeybiyaa dad wax ku xasuusta aragti, maqal iyo IWM. Marka mid kasta wuxuu leeyahay qaab uu wax isku fahansiiyo una xasuusan karo waxa uu ka helay buugaas oo faa’iido ah. Qofka aragga wax ku xasuusta wuxuu jecelayhay inuu u qorto nootka si sawirro ah ama farshaxan ah sida inuu sawiro Geed kadibna uu mowduuca guud iyo qeybihiisa ku kala qoro geedka qeybihiisa. Midka maqalka wax ku xasuusta wuxu jecel yahay inuu duubto codka macalinka ama uu raadsado cid ku dul aqrida uu ka dhaqgeysto. Dadka qaarna waxay qalin ku dul calaameeyaan buugga dushiisa, ama ay qalin midab ah dul mariyaan meelaha iyo qodobada muhiimka ah. 9 Ugu danbeyn marka uu aqriska dhameeyo qaatana note-kii waxaamuhiim ah inuu is xasuusiyo waxa uu soo aqriyey asagoo adeedsanaya warqadihii uu wax ku qortay, Kadibna uu dad kala niqaasho ama ay ka wada hadlaan. 10 Ku keydi xogtaada meel fiican oo aad ka heli karto, sida in aad ku keeydsato feylal. Gabagabo iyo Gunaanad Qormadeenan 4-aad waxaan si kooban uga hadalnay waa maxay aqris? Faa’iidooyinkiisa, Umadaha iyo aqriska, Muhiimada Aqrintu ku leedahay Islaamka, Nuucyada aqriyeyaasha, Caqabdaha aqrinta, Sidee ugu abuurnaa nafteena jeclaanshaha aqriska, Asaaska Aqriska, Habka Aqriska. kulankeena xiga ayaan kusii lafo guri doonaa qeybaha kale ee mawduucaan. isku daygaan aan sameeyey ee ku aadan sida aan ugu faa’iideyn lahaa qofkasta oo jecel inuu Is-hormariyo. Wixii ah sixid qaladaad, tusaaleyn ama talo ahba adoo mahadsan fadlan iigu soo gudbi cinwaanadeydan hoose. Mahadcelin Waxaan halkan uga mahadcelinayaa Maamulka website-kaan suura galiyey in aan kusoo gudbiyo mowduucaan taxana ah. Sidoo kale akhyaarkii fikirkooda qaaliga igusoo biiriyey sida saxiibadey Qadar Cabdillahi, Axmed maxamed sheikh Adan(Lafo), Abdiraxman Axmed Mudeey Maxamed Ibrahim (Jananka), Abdiqani Xasan Sheikh.

National consultative election somalia 2016 

  President Hassan Sheikh Mohamud, Prime Minister Omar Abdirashid Ali Sharmake, Mohamed Osman Jawari, the Speaker of the Federal Parliament and the leaders of the Federal Member State of Puntland, and the interim regional administrations of ISWA, Galmudag, Jubbaland, launched the National Consultative Forum for the 2016 elections.
The National Consultative Forum is an integral part of the process will support Somalia to reach agreement on the 2016 electoral process.
The National Consultation Forum, including members of the Federal Parliament, and supported by a task force and a technical support team hosted by the Ministry of Interior and Federal Affairs, will draw on input based on a series of regional consultations and civic dialogues to decide on the form of the 2016 electoral process.
The consultation process overseen by the NCF will consist of a series of regional consultations held from October to November, supported by a civic dialogue initiative and national communication activities.
Speaking at the launch, the President said, “In July of this year, the government, including the interim regional administrations and the Federal Parliament, agreed to develop a comprehensive national consultative process to produce possible electoral process options for 2016. Today, we are very proud to launch the National Consultation Forum as the first step in this process.
“What we must make certain is that by August 2016 we have a workable electoral process in place through which the political transition will happen: peacefully, smoothly and legitimately. Today, we have just approved a plan that will ensure that Somalis will have a real say in their own future.
“When I was elected three years ago, I committed to a transfer of political power in 2016. This commitment stands. There will be no extension to either the executive or legislative term. Our constitution demands this, and all of us here today – your leaders – will ensure it.”
The Prime Minister confirmed that time is of the essence saying, “Today, we have pledged that by January 2016, we will have agreed and confirmed an electoral process that enhances the legitimacy of the incoming government. This means that the federal and regional governments, together with the Somali public must stand ready to embrace the process of national consultations and contribute to the electoral process that they think most appropriate for 2016”.
”I have charged the Council of Ministers and the broader government that they no time to waste. The international community will be our strong partners in this enterprise and I am confident they are stand-by mode and ready to assist both with technical expertise and the resources required to support this Constitutionally-mandated political transition,” said the Prime Minister.
The federal Minister of Interior and Federal Affairs, Abdirahman Mohamed Hussein, Odawaa outlined the activities that will be rolled out across Somalia in October and November, this year.
“These consultation forums will be run over two-three days and facilitated by a team of trained facilitators from the Ministry of Interior and each of the regions. Around 200-300 community representatives will have the opportunity to attend these forums. The input we collect during these sessions will be compiled and trends collated, so that this information can be discussed by the National Consultation Forum and inform their decision making.
“The whole process is designed to be as participatory and inclusive as possible in the time and within the resources we have available,” Minister Odawa said.
Once the regional forums and civic dialogue sessions have been concluded, there will be a final consultation forum in Mogadishu held in late this year, attended from representatives from all the regions, and hosted by the National Consultation Forum. This final forum will be charged with recommending the 2016 electoral process.

Aafada arligeena taalo!

Waxa aan ahay Hooyo wiilal Eebbe ku mannaystay, Muqdishada ay muteen ubadkaygu kuma helaan Nolosha aan larabo oo si xorriyad ah ay wax ugu qabsan karaan. Daruufihiii silloonaa ee aan kula soo daallaa dhacay ee ay agoonnimadu u wehlisay ka sukow, waxa aanan halmaami Karin habka aan hagaagsaneyn ee loo hujuumo har iyo habeen.
Gabbal dhac walba waxa aan hubiyaa inay hanadayda Hoyga ku soo hirteen , sababta oo ah halkan waa Muqdisho! Da’dooda ayaa danbi ah, oo wixii ay barteen bulshadooda uguma shaqeyn karaan xilliyada qaar.
Xaafadeenna waxa ay ku can tahay dheelmashada aroortii ah oo ay yimaadan wiilal mad-madow, dhuu-dhuuban, oo dhafoorro dilan oo AK47-ku u yahay nolol, iyaga oo aruuriya wixii dhallinyaro ah, hooyooyinka deegaanka aya baroorta, oo dhiiba wixii ay hanti heli karaan, si ay u furtaan ubadkooda lagu hor gumaadayo ayaga oo la huwinayo shaati ah dambiilayaal Qaran oo Nabad diid ah.
Sheedda sare marka aan uga jeedno dharka ay ciidanku xirtaan, cabsida ayaa noo timaada oo waxaan is tusnaa bilowga hoogga inuu yahay dharkaas(Tuutaha), maxaa yeelay in badan ayaa nalagu dhacay, jir-dil iyo gabood fallo bandanna naloogu geystay. Cidna ma aaminto askariga, maxaa yeelay halkan waa Muqdisho!
Beri samaadkii, Askartu waxa ay ahaayeen waalid, walaal iyo wadaay intaba oo waannu maciin bidi jirnay, kolkay dhibaato na haleesho, haddase wax badan baa is badalay oo la bahaloobay.
Wal-wal, walaac iyo walbahaar ayaan waqtigeenna ku qaadannaa, oo wiilasha aan dhalnay ayaa noogu sabab ah oo nabaday dhibtan. Hooyo walbaa hurdo kuma lado, illaa ay hubiso xasilloonida aqalka.
Ma jirto cid aan u sheeganno waxa ay shar wadayaashu shacabkeenna u geystaan, sharci sharaf u yeela iyo shaati Qaran intuba ha sheegin. Marka aad maqasho xarigga mid kamid ah wiilashaada, waa inaad horay u sii qaadata wixii hanti aad heli karto si aad u soo furato, ileen af-libaax buu mutay’e.
Calaacal iyo ciil kama baxaan hooyooyinka, waxa ugu badan ee ay ka fekeraan maaha nolol maalmeed, caafimaad iyo waxbarasho intuba. Kaliya maanka waxaa lagu hayaa habkii looga nabad gali lahaa kuwa shaarka sharfan dulleeyay eek u geystay wixii xumaa oo idil: dhac, kufsi, jir-dil iyo nuuc walba oo xad gudub ahaa.
Dadku waxay is weydiiyaan in habaarkooda hirgalo oo hoog iyo halaag la huwiyo hanuun diidayaashan. EEBBE ayay waydiistaan inuu seejiyo naxariistiisa kuwan dadka naafeeyay ee nabad-galyo iyo neecaaw caafimaadba u diiday noolaha.

By mussa

Shared : Khalid cilmi nur jees

Recent post: Omar Abdul Aziiz ( nadara) 

   

I wish

‘If I could change anything I’d go back in time and meet you earlier so I would have more time with you.’ Of course for that to work I’d actually have to go further back than you might think. I’d have to go back to the relationships before I met you, to the therapies and […]I Wish I’d Met You Earlier

memoir, fatherhood, family, love, motherhood, fear, boys, Death, fathers and sons, parenthood

http://developingdad.com/2015/10/19/you-must-remember-this/